Xili maanta la filayay inuu si rasmi ah u furmo shirwaynaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka walina aysan Muqdisho soo gaarin Ergooyinka laga sugayay dhinaca Jubba ayaa waxaa durba so baxay khilaaf ku saabsan qaabka ergooyinka loo qayb sanayo.
Shir balaaran oo Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee kaso jeeda Jubbooyinka iyo Waxgarad ayay ku dhaliileen qaabkii loo maareeyay ergooyinka ka qayb galaya shirka.
Dhawaan ayay ahayd markii Masuuliyiinta Gedo ay kasoo horjeesteen shirwaynaha Dib u heshiisiinta Muqdisho kadib markii ay dhaliil ka muujiyeen qaabka loo maareeyay shirka ergada ka qayb galaysa
Halkaan Hoose ka dhageyso diidmada shirka Jubba ee Muqdisho [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Cod-1-xildhibaano.mp3]
Idale News Online