Dhageyso: Wasiiro Ka Tirsan Dowlada KGS Oo Soo Qiimayey Degmooyin Biyo La’aan Ka jira

0
228

Baydhabo(INO)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  C/raxmaan Ibraahim Aadan oo la hadlay Warbaahita ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Koormeereen dad biyo la’aan ku heysato oo ku dhibaateysan Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Leego oo ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Wasirku waxa uu sheegay in ay wax u qabanayan dadkaasi ku dhibaateysan Gobolada Bay iyo Shabeelaha Hoose isla markaana ay gaarsiin doonaan gargaar deg deg ah oo biyo dhaamin ah.
Waxa uu xusay in Foostada biyaha ay ka joogaan Degmooyinka Leego iyo Buur-hakaba ilaa 60 Kun oo Shillinga Soomaaliga ah, waxa uuna balan qaaday in ay maalmaha soo socda gaarsiin doonaan biyo dhaamin deg deg ah.
 Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka ayaa waxa iminka ka taagan dhibaatooyin dhanka Nolosha ah, waxana Shacabka halkaasi ku nool ay dalbanayaan gar gaar deg deg ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here