Baydhabo(INO)–Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan ayaa Maanta dhamaanbal Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaana kuwa Dowladda KG Soomaaliya, isagoo sheegay in uu laqeybsanayo maalinta Shaqaalaha Aduunka oo maanta oo kale la xuso caalamka sannadka kasta Bishan May.
Mudane Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan ayaa sheegay inay Wasaaradiisu dadaal dheeraad ah ugalin doonto sidii Shaqaallaha KGS uheli lahaayeen xaquuqo lamid ah kuwa ay helaan Shaqaalaha Aduunka, wuxuuna balan qaaday in ay hada socdaan qorshayaal wax looga qabanayo arrimaha Shaqaalaha ee Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.
Sidoa kale Wasiir Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan ayaa xusay in dhalanyaradda iyo Aqoonyahnada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin lafdhabarta Degaanada KGS, loogana fadhiyo iney qayb muhiim ah ka qaataan dib u dhiska iyo Hormarka , Isla markaana ay ogaadaana wadan kasta oo gaaray horumar iney hormuud u yihiin dhalinyaradiisa iyo tayada Aqoonta Dalkaasi.
Wasiirku waxa kale uu Shegey in wasaaradiisu aanay ku shaqeyn doonin hab beeleed isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyey, inay ku qaadanayaan shaqaalaha hab aqooneed.
” Maadama Aynu Noqoney Dowlad, waxaan Rabnaa in aan ka tagno habkii eexda iyo nin jecleysiga, shaqaalle kasta waxa lagu qaataa, aqoontiisa iyo kartadiisa, ma rabno in qofka ku shaqaaleysiino Hab beeleed” Ayuu wasiir Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan.
Idale News Online, Baydhabo