Baydhabo(INO)- Howlgalkan oo ay hogaaminayeen Wasiirada Hubka Dhigista, Dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyadka,Maaliyada,Gadiidka iyo taliyaasha laamaha amaanka ayaa waxa ay kula dagaalmayeen isbaarooyinka yaala inta dhaxaysa degmooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba ee gobalka Bay.
Howlgalka oo ay si wada jir ah uga qeyb qaadanayeen ciidamada CBU Ee koonfur galbeed iyo kuwa dowlada dhaxe oo wata gadiidka dagaalka,waxaana markii danbe mas’uuliyiinta ay gaaren degmada Buurhakaba oo xaalad bani,aadanimo ay ka jirto.
Magaalada Buurhakaba oo wefdiga saacado ay ku sugnaayeen ayaa waxaa bulshada ay aad uga cabanayeen xaalad biyo yaraan ah oo magaalada ka jirta
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Idale News Online, Baydhabo