Dhageyso: Wasiirka Ganacsiga KGS“Doorashadii shalay Xasan Sheekh ayay fariin u tahay”

0
196

Muqdisho(INO)- Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan oo ka hadlayay Doorashadii Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ee shalay ka dhacday xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay natiijadii Doorashadaasi in ay fariin u tahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan xilka Madaxwerynaha Soomaaliya.

C/laahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay codadkii uu helay Faarax Sheekh C/qaadir macnaheedu in ay ka turjumayaan, in Xasan Sheekh Maxamuud codad sidaasi oo kale ah uu helayo, waxaana uu baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho oo aheyd mid xiiso badan ayaa soo jiidatay dareenka shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu dhacay isbedel aan la fileyn.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho