Dhageyso Wasiirka Gaashaandhiga Max’ed Sheikh Xasan oo Arrimo Amniga la xiriira ka hadlay

0
216

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya Maxamed Xasan Xaamud, ayaa sheegay in howlgalada ay qaadayaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM dhamaan ay ku wajahan yihiin deeganada Shabaab ay ka joogaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay inay dalka ku soo duuleen niman dhalinyaro ah oo shisheeye, oo gacan ka helaaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo uu ku sheegay in la marin habaabiyay.
Halkaan ka dhageyso Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Max’ed Shekh Xasan

“Inta nabadiidka jooggaan hawlgalada ma joogsan doonaan, way socon doonaan ilaa dalka laga saaraayo.” Ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya.

dhaartaGolahaCusub

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay soconayaan qorshayaal ballaaran oo lagu doonaayo in Ururka Al Shabaab lagu weeraro, inkastoo aanu sheegin goorta ay bilaaban doonaan ajandooyinka ka dhanka ah Xoogaga Shabaab.

Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaa laga dareymayaa gulufyo loogu diyaar garoobaayo, sidii UrurkaAl-Shabaab looga saari lahaa, Deegaanada ay ka jooggaan Goboladaasi.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia