Dhageyso: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Balanqaadyo U Sameeyey Isbitaalka Baydhabo

0
188

Baydhabo(INO)- Iyadoo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaaji C/nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay kormeereen Isbitaalka Gobolka Bay.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Isbitaalka ayaa waxa ay warbixin guud ka bixiyeen qaab uu ku howlgallo Isbitaalka Gobolka Bay.

Wasiirka Wasaarada caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaaji C/nuur ayaa kormeer guud ku sameeyay qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo sidoo kale xaalada dhabta ah ee ka jirta Isbitaalka.

Wuxuu sheegay in Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha gaarka ah ee ka jira Isbitaalka, isagoo sidoo kale sheegay in Qalab caafimaad ay Isbitaalka u keeni doonaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gobolka Bay ayaa u mahad celiyay Wasiirka Wasaarada caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaaji C/nuur iyo wafdigiisa ee booqashada ku yimid Isbitaalka Gobolka Bay.