Dhageyso: Wasiirka Beeraha iyo Waraabka KGS Oo Ka Hadley Nuxurka U Jeeda Safar Uu Ku Joogo Nairobi

0
202

Nairobi(INO)-  Wasiirka Beeraha iyo waraabka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xassan Fiqqi ayaa si kulul uga hadlay arimo isaga ku saabsan oo maalamahn la isla dhexmarayay.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa sheegay in uu halkaasi u joogao arimo shaqo; waxa uu sidoo kale sheegay in uu casuumaad ka helay Midowga yurub xafiiskooda Nairobi, hay’adda Beeraha FAO iyo hayadda arimaha deg deg qaabilsan ee QM.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa Sidoo kale sheegay labalansanaa shirkado taliyaani laga leeyahay oo arimaha beeraha ka shaqeeya si ay taskbar ugu qaadaan dhalinyaro lagu soo tababari doono Xirfadaha Beeraha.

Wasiirka  ayaa warbixintiisa ku sheegay in uu Check up sameeyay xagga caafimaadka 100% uu aad u caafimaad qabo isagoo cadeeyay in uusan dalka uga soo tagin arimo laxiriira caafimaad dartiis balse ay ahayd shaqo.

Mudane Fiqi ayaa sheegay in uu yahay masuul soomaaliyeed xilkana uu u hayo shacabka deegaanadaas islamarkaana aysan jirin dad uu si qaas ah ugu adeegayo Beesha uu ka soo jeedanada ay u simantahay.

Ugu danbeyntii Mudane Fiqi ayaa sheegay in doorashooyinka ka dhacaya magaalada Beydhaba uusan wax lug ah ku lahayn arimahaasna ay u xil saareen guddi ka shaqeeya doorashooyin.

Halkan Ka Dhageyso