Dhageyso: Wasiirka Amniga KGS Oo Si Ba’an U Eedayey Ciidamada DFS + Sheegeyna Kufsiga iyo Boobka Ay Ku Hayaan Shacabka G/Sh/Hoose

0
1277

Marko(INO)- Wasiirka Amniga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa si kulul u eedeeyey  Ciidamada dowladda Federalka ka dib markii maanta ay ka baxeen Magaalada Marko Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiir C/fataax Geeseey ayaa sheegay in maleeshiyaadka Dowlada Soomaaliya maanta ka baxay magaalada Marka ay  xiriir dhow iyo wadashaqeyn la leeyihiin Alshabaab.

C/fataax Geesey ayaa ku nuux nuuxsaday in maleeshiyaadka dowladda Federalka ay shacabka magaalada Marka u geysan jireen Dhac, Kufsi, Dil iyo tacaddiyo kale.

Sidoo kale, Wasiir C/fataax Geeseey ayaa sheegay in  Dowlada madaxweyne Xasan Sheekh uu maamulka K/Galbeed ka hortaagan yahay in ciidamo deegaanka ah uu ku wareejiyo caasimada gobolka Sh.hoose isla markaasina la nabadeeyo degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Sh.hoose.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay