Dhageyso: Wasiir Madoobe Nuunow Oo Ka Hadley Musiibada Ka Dhacdey Degaanka Masuubiye Ee Gobolka Bay

0
206

Baydhabo(INO)– In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootey deegaanka Masuubiyow oo qiyaastii 20 KM u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii ay dadkaasi cabeen biyo sumeysan.

Mas’uuliyiin Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo sheegeen in dadkaasi aanay Hal mar ku dhiman deegaankaasi, balse 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay geeriyoodeen, waxaana jira dad gaaraya 20 qof oo iyaguna xaaladooda laga deyrinayo.

Dhammaan dadkani ayaa waxay cabeen biyo ku jirey warbiyood la sheegay in la sumeeyey, walow aan la ogeyn illaa hadda cidda sumeysay.

Siddoo ku dhowaad 10 Qof ayaa xaaladooda caafimaad waxaa ay tahay mid darran, maadaama ay isticmaaleen Biyaha laga soo dhaamiyay War-biyoodka sumeysnaa.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Dhirta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa VOA u sheegay in abaaraha ka jira deegaanada ay sababeen biyo la’aan aad u baahsan.

Ugu dambeyntii, Dadka qaar ayaa loo soo qaadi doonaan magaalada Baydhabo si loo daweeyo maadaama  deegaankaasi aanu lahayn xarun caafimaad.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo