Dhageyso: Wasiir Binti Oo DFS Dhabarka U Saartey Dhibaatoyinka Ka Jira Gobolka Shabellaha Hoose

0
243

Baydhabo(INO)-  Binti Ibrahim Cali , Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka Iyo Xuquuqul Insaakna Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ahna Mudane Baarlamaanka  KG Somaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Shabelaha Hoose ayaa si kulul uga hadashay dhibaatooyin ay sheegtay in ay ka jiraan gudaha gobolka Shabelaha Hoose gaar ahaan maaglada Marka oo ah xarunta gobolka Shabelaha Hoose.

Binti ayaa sheegtay in maalin walba degmada Marka iyo deegaanada hoostaga dadka degan loo geesto dhibaatooyin bareer ah kuwaas oo ay sheegtay in ay hormuud ka yihiin rag ka tirsan dowladda Somaaliya sida ay hadalka u dhigtay.

Mar aan weydiinay mar hadii ay yihiin Xildhibaanada ka soo jeeda Shabelaha Hoose ay ugu gudbin waayeen dowladda Somaaliya ayaa waxay tiri.

“Anaga dhowr mar ayaan u gudbinay dowlada wayna iska dhega tirtay hadalkeena wax walbo oo ka dhaca gobolka Shabelaha Hoose ha ahaato dhaca dilka iyo kufsiga iyada ayaa masuul ka ah waxaa la rabaa in la dhaco Kheyraadka gobolka Shabelaha Hoose shacabkoodana intii ay nafi ku jirto way iska difaacayan ayay tiri Xildhibaanada Binti Cali.

Ugu dambeyntii, Gobolka Shabelaha Hoose ayaa mudo dhowr sano ah ka jira dhibaatooyin ugu badan yihiin dagaal beeloodyo kuwaas oo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here