Dhageyso Wareysi:Taliska Ciidanka Oo Ka Warbixiyey Dagaal Al-shabaab Iyo Ciidanka Dowladda Ku Dhexmaray Gobolka Bakool

0
225

Rab-dheere(INO) Taliska Milateriga Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Bakool.

timacade

Taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool Col. C/raxmaan Maxamed Tima Cadde ayaa sheegay in ciidanka Milateriga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen xarmo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Rab-dhuure,Taliyaha ayaa sheegay iney Al-shabaab ka dileen 8 2 kalane ay dhaawac ku qabteen.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidanka ay ka go’an tahay iney Al-shabaab kaga dabatagaan meel walba oo ay galaan,wuxuuna shaaca ka qaaday iney wadayaan dagaalka ay kala horjeedaan Al-shabaab.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here