Dhageyso Wareysi:Gollaha Guurtida Ee Dowlada KGS Oo Shaaciyey Xilliga Ay Bilaabayaan Xulista Xildhibaanada Baarlamanka KGS

0
235

Baydhabo(INO)-Gollaha Guurtida Ee Odayaasha Dhaqanka  Dowlada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay xilliga lasoo xulayo xildhibaanada baarlamaanka Dowlada oo dib uga dhacday waqtigii loogu tala galay.

malaqShino

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah Odayaasha KGS  ayaa sheegay  in dib u dhaca soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ka dambeysay ka dib markii loo baxay dhanka xalinta dagaaladii Shabellaha Hoose.

Odayaashii soo xuli lahaa xildhibaanada ayuu sheegay in Nabadda Shabellaha Hoose ay ka qeyb qaadanayeen, taasina ay keentay in dib looga dhaco waqtigii loogu talagalay.

Malaaqa Cali Shiino ayaa dhanka kale Tilmaamey in maalinta Talaadada ah dhammaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada ay gaari doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka , islamarkaana la bilaabi doono howsha soo xulista baarlamaanka maamulkaasi.

Ugu Dambeyntii Dowlad  Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan yeelan doono Baarlamaan, iyadoo inta kale ee maamulka dhameystiran yahay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here