Dhageyso Wareysi:Alshabaab Oo Weeraray Degaanka Geedweyne Ee Gobalka Gedo+Khasaaraha

0
221

Baardheere(INO)-Xoogaga Al Shabaab, ayaa maanta dagaal xoogan ku qaaday deegaanka Geedwayne, oo ka tirsan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Waxaa kaloo la dhihi karaa waxay ku taallaa inta u dhaxeyso Doolow iyo Beled Xaawo.

Alshabaab

Weerarkaasi oo ahaa mid lama fillaan ah, ayay Shabaabku ku galeen xero militari oo halkaasi ku taalo. Xeradaasi waxaa lagu uruurinaayay ciidankii weerari lahaa Degmada Baardheere, oo Shabaabku ay ka arrimiyaan.

Ka dib dagaal culus oo labada dhinac ku dhex maray Geedwayne, ayay Shabaabku kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka, iyagoona halkaasi ka saaray Ciidamadii Militariga ee lagu uruurinaayay.

Gurmad ka kala yimid Degmooyinka Doolow iyo Beled Xaawo, ayaa suurta gelisay in Shabaabka dib looga saaro deegaanka, waxayna xaaladda ku soo noqotay mid caadi ah.

Sahal Maxamed Axmed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, oo labada dhinac ah.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa isna sheegay weerarkaasi inay ku dileen 16 askari, saanad militarina ay kaga qabsadeen, sida uu yiri.

Weerarkan, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo Talaadadii uu Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), uu ku dhawaaqay inay duulaan ku yihiin Baardheere.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Bardheere, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here