Dhageyso Wareysi: Socdaalka Nabada oo Baydhabo lagu qabtay

0
194

Baydhabo(INO)Kulankan oo loogu magacdaray Socdaalka Nabadda ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, Kan Degmada, Waxgarad, Ururka Haweenka iyo Dadweyne kale oo aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid xafadaha ay ka koobantay Magaalada Baydhabo.

kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigayay Nabada iyo Hormarka ka jirta Deegaanada Koonfur Galbeed, maadaama loogu magacdaray Socdaalka iyo Nabadda.

Mas’uuliyiinytii goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Warfaafinta iyo xubno kale oo ka tirsan  Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Hub ka Dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan (Eelaay) ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Hormarka iyo Nabadda.

Wariyaheena Siid Cali Muuse Maxamed ayaa inooga waramay Socdaalkaasi iyo sida uu u qabsoomay.

Halkan Ka Dhageyso