
Marwo Binti ayaa sheegtay in ay jirto kala qaybsanaan xaga wasiirada ah oo ku aadan sida loo magacaabayo Maamulka laysku heysto ee Marko ay yeelanayso.
“Wuu jiraa is qab qabsi badan iyo kala jiidasho Wasiirada ah sababtoo ah dadku haday xisaabtamin waala xisaabinaa, gobolkan culays badan ayaa soo maray in si fudud faraha uu uga baxo wax la ogolaanayo maahan” ayey tiri Wsiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka qoyska iyo arimaha xuquuqul insaanka.
“Dad dano gaar ah ka leh Marko ayaa daneenaya in Maamlkaas la magacaabo laakiin wixii ka yimaada iyagaa qaadaya mas’uuliyadooda” ayey warkeeda sii raacisay Marwo Binti.
Wasiirada Dowladda KG Soomaaliya qaarkood ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arinta ku aadan hadal haynta Maamulka.
Halkan Ka Dhageyso Codka.
Idale News Online, Marka