Dhageyso Wareysi: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Taleefanka Ku Jaray C/kariin Guuleed

0
212

Muqdisho (INO) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka carooday wareysi uu C/kariin Xuseen Guuleed uu siiyay laanta afka Somaliga ee BBC-da.

C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Musharaxiinta Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga horyimid in Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisaayo laga dhigo hal gobol iyo badh,  Sidoo kalana wuxuu dhaliilay go’aanka ay Dowladdu ku aqbashay in gobol iyo bar laga dhigo Maamulkaasi.

Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Somaliya looga baahan yahay inay taageerto rabitaanka bulshada Waqooyiga Gobolka Mudug, haddii ay ka go’an tahay inay ku biiraan Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, Guuleed ayaa carab dhabay in Dastuurka Somaliya aanu ku qornayn in hal gobol iyo bar, ay noqon karayaan Maamul Goboleed.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu khadka teleefanka kula xiriiray C/kariin Xuseen Guuleed, isla-markaana uu weydiiyay waxa uu ku dhaliyay inuu ka biyo diido, heshiiskii ay Dowladdu Garoowe kula gaartay Puntland.

C/kariin, ayaa isku difaacay inaanu dhaliilsanayn hannaanka Dowladda Federalka Somaliya, balse uu si weyn u dhaliilsan yahay, in hal gobol iyo bar laga dhigo Maamulka Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha oo saluugay inuu la sii hadlo C/kariin, ayaa wuxuu ugu yeeray inuu ugu yimaado Madaxtooyada, isagoona teleefanka ku jiray, Madaxweynaha waxaa la tilmaamay in markii ugu horeysay ay tahay, teleefanka oo uu ku dhigo, ninka sida dhow loola xiriiriyo.

C/kariin, ayaa looga bartay in tallaabo kastaa oo uu qaadaayo, uu la socodsiiyo Hogaamiyaha Somaliya, balse ma cadda waxa xilligan keenay in wareysi aanu waxba kala socon Madaxweynuhu, uu siiyo Warbaahin heer Caalami

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here