Garowe(INO)-Waxa si bareer ah oo xaqdara ah loogu diley Maxamed Manuur Aadan oo kamid ahaa Ganacsatada Garowe sida weyn loogu yaqaaney oo ka soojeedaa Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo falkaasi sameeyey askari katirsan maamulka Puntland somaliya
Wiilkan Magaalada Garowe lagu diley kana soo jeeda koonfur galbeed somaliya waxaa ka horeeyey dhalan yero ayagana ganacsi kulaha puntland oo si xaq dara ah loogu laayey garowe illa iyo hadana cid is weydiisey aysan jirin ma aha marki ugu horeysay ciidanka puntland ay dilaan dad shacab ah ganacsi kuleh Garoweoo Shacabka koonfureed ah, guud ahaan magaalooyinka Puntland waxaa Ganacsi xooq badan kuleh dadka kasoo jeeda koonfur galbeed soomaaliya mar walbana waxaa lagu dhibaataya magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.
Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hogaamiyo Madaxweyne shariif xasan sheekh Aadan ilaa iyo hada kama hadlin dhacdadan foosha xun waxaad mooda in aysamba aaminsanaynaa in ay mas’uul kayihiin shacabkooda oo meel walba lagu dhibaateynaayo.
Ugu dambeynti, Maanta warbaahinta koonfur Galbeed Soomaaliya waxay wareysi layeelatay goob jooge arkaayey marki latooganaayey ganacasadahan sida bareerka ah loogu toogtay bartama magaalada Garoowe waxaa kale ooo ay wadaan warbaahinta Idale News Online baaritaan dheeri ah kusaabsan ganacasadan sida xaqa daran ah loodiley.
Halkan Ka Dhageys Wareysi
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo