Dhageyso Wareysi: Aqoonyahan Sheiknor Abukar Qassim Oo Ka Hadlaya, Musuq Maasuq Iyo Habacsanaan Baahsan Oo Jira Dowlada Koonfur Galbeed

0
878

MN( INO)- Sheiknor Abukar Qassim oo Ka mid ah Aqoonyahnada Degaanada Kooonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana Degan Dalka Mareykanka oo Xog ogaal u ah Koonfayaa ka Hadley Siyaasadda Guud Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dhaqaallaha, Amniga iyo weliba Dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Shabellaha Hoose.

Shek Nour QASIM

Aqoonhayanka oo wareysi gaar ah uu siyey IdaleNews.com ayaa sheegey in rajadii laga filayey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii quuseyso, isla markaana ay jiraan Habacsanaan oo ka jiro Hay’adaha Dowlada, Sida Baarlamanka, isgoona xusey in ilaa iyo haatan uuysan jirin Madaxweyne ku xigeenka Dowlada waxa uu tilmaamey in Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku masquuleen Doorashadda 2016 iyo dano gaar ah waa sida hadalka u dhige ee.

Waxa uu Hoosta Ka Xariiqey in dhaqaalle la doonayey oo 5 sano ee soo socto dib u dhisyo looga sameyn lahaa Degaanada,  Kaabiyaasha Dhaqallaha iyo Hay’adaha Dowlada isla markaana uu u soo bandhigey Bank Aduunka ay buuxin waydey Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“ rajadii laga qabey maamulka ma aysan dhicin, waxa jiro Hubacsanaan Dhanka Maaliyada, Amniga, siyaasadda, Koonfur Gabeed Soomaaliya waxay ku fashilantey Sharuudo uu soo bandhigey Bank Aduunka oo dhaqaalle lagu siin lahaa, isla markaan Jubbaland ay buuxsiyey, Hanaan Maaliyadeed oo la hubo malahan, Maamulkii oo dhan waxa uu ku soo koobmey Halka Qoys” ayuu yiri Aqoonyahan Sheekh Nuur Abukar Qaasim.

Sidoo kale waxa uu ka Hadley xasradda iyo dhitaada Gobolka Shabellaah Hoose, waxna uu cadeeyey in Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan ka dhabeyn nabadeynta iyo u dhisida Ciidmo Ilaaliya Amaanka Degmooyink Gobolkaas, kuwaasoo ah Dadka Degaanka, isla markaana waxa uu xusey in gumeys ay ku jiraan Degmooyinka Afgooye iyo Marko ayna ka Jiraan dilal, dhac, hanjbaad iyo kufsi taasoo uu sheegey in ay sameeynayaan Ciidamo Xiran Dareeska Dowlada.

“Dhibaatooyinka G/Sh/Hoose waxay soo jiidameen tan iyoo burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya, waxaan u maleneyney inay yaraan doonaan ka dib dhismaha Dowlada KGS, ma aysan dhicin, Gudoomiyaha  Degamda Afgooye oo ka damqadey tacdiyada ka jira degmadaas oo ka hadley, isla durbo Maamulka Koonfur Galbeed Xilkii ayuu ka qaadeey, waxaad mooda inuu ilaalinayo Dano kale uu doonaayo inuu ku gaaro Doorashadda 2016, waxaan ugu baaqaya inay dib eegaan maamulkooda” ayuu mar kale yiri

Waxa kale uu xusey in Aqoonyahnada Degaanada Koonfur galbeed Soomaaliya talooyinkii, talmaamooyinkii iyo tusaalooyinkii ay siin lahayaan, Maamulka Koonfur Galbeed  mar hore laga dhowrey Isla markaana waxa uu sheegey in la sheego dhaliilaha iyo weliba amaanka Maamulka ayna jirto Mar weliba la xisaabtan dhab ah.

Ugu dambeyntii, aqoonyahanada, Baarlmanka, Siyaasadiiyiin, Odayaasha dhaqanka iyo Haweenka ayaa u baaqey in ay ku dadaalaan wax wada qabsi iyo in mar weliba ay la xisaabtamaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si aysan Maamulku u noqon jarjaro lagu gaaro Doorashada 2016.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay