Dhageyso: Wararkii Ugu dambeyey Magaalada Marko Ka dib Dagaalo Xaley Ka Dhaceen

0
322

Marko(INO)- Xaalada magaalada Marko ee xarunta gobolka shabeellaha hoose ayaa saakay dagan ka dib markii shalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya  laba meleeshiyo beeleed waxaana saaka la sheegay in xaalada dagantahay.

Qaar ka mid ah dadka kunool Marko oo aan saakay la xariirnay ayaa sheegay in xaaladu ay dagantahay,islamarkaana Waxgaradka gobolka Shabeellaha Hoose ay wadaan dadaal lagu hakinayo colaada ka tagaan.

Xaafado dhowr ah ayaa la sheegayaa in uu dagaalka sameyn ku yeeshay,kuwaa oo ay ka mid yihiin Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan, waxaana la sheegay in xalaada ay saaka dagantahay xaafadahaas.

Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu hakad ku jiro iyada oo Dadku ay ku jiraan Guryaha,islamarkaana aysan u suuragalin in ay ka barakacaan Xaafadaha lagu dagaallamay .

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Marko