Dhageyso Wareysi: Wararkii Ugu dambeeyey Xildhibaano Ku Sugan Degmada Xudur

0
288

Xudur(INO)-  Xildhibaan Axmed Taaw oo ka mid  ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo ku sugan Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool, iyagoona Komeero ku Sameynaya Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Xildhibaan Axmed  oo Wareysi Siyey Idale News Online ayaa sheegey in booqasho ku tageen Degmada Rabdhuure isla markaana waxa uu xusey in degmadaas ay ka maqan yihiin waxyaabaha aas aasiga ah ee bushada sidoo kale aysan la gaarsinin Gargaar Bini’aadanimo.

Waxa kale uu tilmaamey indhawaan ay kuwjahan yihiin degaanada Aato, Quruc joome,Yeed iyo Degmada Ceelbere oo la sheegey in uu ka taliyo maamul ka madax banaan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudooyinkii dambe, waxa degmada Xudur ku suganaa Xildhibaano ka tirsan BFS soomaaliya kuwaasoo doonayey in ay gaaraan Degmad ceelberde isla markaan sida la sheegey ay hor istaageen Maleeshiyo ka tirsan ONLF iyo Liyuu Booliska Itoobiya.

Xildhibaanada ayaa doonayey iyagoona galbinayey 2000 askari inay galaan degmadaas taasoo ciidamada AMISOM iyo Ururu Goboleedka IGAD ay si dedban ay ugu diideen Xildhibaanada ka dib markii laga cabsadey in ay ka dhacdo isku dhacyo iyo Colaad ka dhalata Gobolka Bakool Ee Koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada weli ku sugan  Degmada xudur ayaa rajo ka qaba in mar kale ay gaaraan Degmada Ceelberde ee gobolka Bakool, kuwaasoo eedayey IGAD iyo Itoobiya oo aysan daacad ka ahayn arinta Bakool Sare.

Halkan Ka Dhageyos

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here