Muqdisho (INO)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa laba Qarax oo goordhow ka dhacay Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.
Qaraxyada ayaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed xili ay marayeen Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.
Ciidamada Qaraxyada lala eegtay ayaa howlgalo ugu socday deegaano yar yar oo hoostaga Degmada kuwaasi oo la sheegay inay ku sugnaayen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Axmed Maxamed Kheyr , ayaa sheegay in Qaraxyada ay ahaayen kuwo lagu aasay waddooyinka ay isticmaalayeen ciidamada waxa uuna qiray inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.
Gudoomiye ku xigeenka waxa uu sheegay in Qaraxa uu ku geeriyooday Hal Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Askari oo kale.
War kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Askarta geeriyootay ay gaarayaan ilaa Afar Askari, sidoo kalane dhaawaca uu yahay mid kor u dhaafaya Shan.
Axmed Maxamed Kheyr, waxa uu sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragii ka dambeeyay falkan.
Maaha Qaraxyadii ugu horeeyay oo lala eegto ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso