Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey 2 Weerar oo qasaaro geystay oo xalay lagu qaaday magaalada Boosaaso

0
361

Boosaaso() Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland ayaa ku waramaya in xalay magaaladaasi ay ka dheceen 2 weerar oo kala duwan oo ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

News_live

Weerarka hore ayaa lagu qaaday bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland taasoo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso,waxaana lasoo sheegayaa in bam gacmeed lagu tuuray ciidanka kadibne tacshiirad la huwiyey.

Goobta ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidnakii la weeraray sida aan wararka ku heleyno,waxaana la tilmaamayaa in sidoo kale weerarkaas ay ku dhaawacantay haweeney goobta ku sugneed.

Halkan Ka Dhageyso.

Weerarka labaad ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Afar Irdoodka magaalada Boosaaso koox hubaysan ayaa sidoo kale bam ku tuurtay goob uu marayey gudoomiyaha degmada Carmo ee gobolka Bari Maxamed Cali SHire.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha deegaanka Carmo uu dhaawacyahay halka mid ka mid ah ilaaladiisane uu ku dhintay weerarka,ciidamada Puntland ayaa xalay hawlgallo lagu baacsanayo kooxihii ka danbeeyey weeraradaas ka sameeyey magaalada Boosaaso.

Idale News Online, Bosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here