Wafdi ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo safiiro ka socda beelaha Koonfur galbeed Somalia oo dhowaan dowlada federaalka Soomaaliya ay u dirtay magaalada Baydhabo oo uu ka socdo shirka dhismaha dowlad goboleed ka kooban lix gobol ayaa ku fashilmiey isku daygoodii ahaa inay hakiyaan doorashada madaxtinimada dowlad goboleekaas oo dhaceysa maalinta beri oo isniin ah bishuna tahay 3da Maarso 2014.
Wafdiga dowlada ayaa sidoo kale aysan u suurto galin inay la kulmaan golaha guurtida ee dowlad goboleedka KG Somalia, hase ahaatee intii ay Baydhabo joogeen ayey waxay si guud ula kulmeen ergada hoolka shirka ADC. Golaha Sare ee dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iyaga cudurdaarkooda ku saleeyey in ay ku howlan yihiin shaqooyin badan oo horyaala golahooda iyo inay horey xubno uu hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ku wargaliyeen mowqifka iyo rabitaanka dadka goboladaas sidaas darted goluhu diyaar u aheyn inay si gaar ah ula kulmaan xubnaha dowlada ee ku soo noqnoqonaayo magaalada Baydhabo.
Cismaan Libaax oo ah afhayeenka wafdiga dowlada dhexe ee Baydhabo gaarey ayaa u sheegay idaacada VOA in shirka Baydhabo aysan waxba ka qaban Karin maadaama xukuumadoodu uu ka horeeyey, sidaas darteedna ay kaliya ku baaqayaan in wax dowladu raali ka tahaay uu halkaasi ka soo baxo.
Wafdiga dowlada dhexe ee isbuucyadii uGu dambeeyey ku noqnoqonaayey magaalada Baydhabo ayaa ujeedkoodu yahay sidii loo hakin lahaa shirka ADC ka socda, iyagoo dhinaca kalana rabo inay taageero u muujiyaan shirka ay dowlada federaalka ay hoos ka taageerayso ee lagu dhisaayo maamul ka kooban seddex gobol kaasoo dadka lixda gobol degan ay intooda badan ay aad u diidan yihiin.
Idale News Online, Baydhabo