Dhageyso: Waa Sidee Xaalada Amaanka Ee Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool?

0
472

Xudur(INO)- Maamulka degmada Xudur aya ka hadlay qaabka uu u fulay qorshihii amni oo ay soo sareyn horaanta bishan Ramadaan si ammaanka loo xaqiijiyo.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo ammaanka maamulka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta  u faah faahiyay waxa ay qabteyn maalmihii ugu dambeeyay.

Waxaana uu sheegay in la adkeeyay amanka goobaha bulshadu ay isugu imaado iyo masjidyada iyo wadooyinka laga soo galo magaaladasi.

Gudoomiye Aadan ayaa sido kale tilmaamay in magaalada Xudur aan looga baran qalalaaso amni oo waxaa uu sheegay in ay isku xiran yihiin bulshada iyo maamulka dagmadasi.

Talabadaan maamulka Xudur uu ku xaqiijinayo amaanka magaladaasi ayaa imaaneysa iyadoo inta badan goobaha ay ka arimiyaan dowlada iyo maamul goboleedyada bishan Ramadaan amaankooda aad loo adkeeyay si loo baqsado rasho ka dhaca deegaanadaasi.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay