Dhageyso VOA: Shariif Xasan “Nabadiidka Waxaan iyo Wax Ka Badan Waa Sameeyan, Wax Layaab Leh Ma’aha”

0
236

Baydhaba (INO) Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaliya, ayaa caawa ka hadlay isku day dil oo maanta uu ka badbaaday, markii qarax miino lala beegsaday kolonyo uu la socday.

shariif

Kolonyada Madaxweynaha oo ku sii jeeday deegaanka Lafoole, kana baxay Degmada Afgooye, ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye.

Madaxwenaha, ayaa xaqiijiyay inaanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxaasi, isagoo intaa ku daray inaanu isagu arkin wax qarax ah, laakiin ay dadku u sheegeen in qarax uu dhacay, sida uu yiri.

“Waxba nama soo gaarin, waan caafimaad qabnaa, Alle Mahadi haka gaarto. Aniga ma arag wax qarax ah, dadka waxay ku qiyaaseen inuu miino ahaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wuxuu meesha ka saaray in qaraxaasi uu ahaa mid isaga loogu talla galay, isagoona sababta ku sheegay in Ururka Al Shabaab ay beegsanayan cid kasta.

“Madax iyo madax la’aan maaha ee nabadiidka cidii ay doonaan ayay qarxiyan. Dadka maqaayad iyo dukaan qarxinaaya lamaha dhihi karo, madax ayay beegsanayan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

“Nabadiidka waxaan iyo wax ka badan waa sameeyan, wax layaab leh ma’aha.” Ayuu sii raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo u waramay laanta afka Somaliga ee VOA.

Ugu dambeyntii Waa weerarkii labaad oo muddo laba bilood gudahood uu ka badbaado Madaxweyne Shariif Xasan, weerarkan middii ka horeeyay waxaa 12-kii bishii March lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, xilli uu ku sugnaa.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here