Dhageyso VOA Fadeexado Masuqmaasuq & Nin-Jecleysi oo laga soo sheegaayo Doorashada Maamulada KGS, Hirshabelle, GalMudug, Puntland & Jubaland

0
215

IdaleNews (INO) – Magaalooyinka xarumaha u ah maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya  gaar ahaan Koonfur Galbeed, GalMudug, Hirshabeele iyo Jubbaland waxaa ka socda doorashooyinka Aqalka Hoose ee lagu soo dooranayo xildhibaanda cusub ee Baarlamanka Soomaaliya.

Doorashooyinka oo illaa hadda si wanaagsan u socda ayaa haddana waxaa jira cabashooyin ay jeedinayaan dadka qaar, Waxaa lagu soo warramayaa inuu jiro musuq-maasuq xooggan oo doorashooyinka hareeyeey.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Dawalada, iyo Shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Lacago badan u adeegsaday Doorashada iyagoo laga soo doortay Maamul Goboleedyada ay kasoo Jeedaan.
Haddaba barnaamijka Faaqidaada ee Idaacada VOA Waxaa daaha looga Qaaday Musuq maasuqa Ba’an ee ka dhacay Doorashoyinka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee ka socda Maamul Goboleedyada.