Dhageyso: Urur Diimeedka Al-Islaax oo wax lagu xumaado ku Tilmaamey Safarka Dalka Masar Ku Tagay Madaxweynaha.

0
207

Guddoomiyaha Ururka Al-Islaax Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka hadlay safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu uga qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20745.MP3|autostart=yes]

Al-Islaax waxa ay kasoo horjeesteen ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya Caleemo saarka Hogaamiyaha cusub ee dalka Masar C/fataax Zizi, waxaana ay taasi ku tilmaameen mid qaldan oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sameeyay.

Sababta ay umucaaradeen ayeey ku sheegeen Al-Islaax in Madaxweynaha dalka Masar uu yahay dhiigyo cab sida ay sheegeen laayaay umadiisa, sidaasi awgeedna booqashada Madaxweynaha ee dalka Masar, marnaba aysan munaasab aheyn.

Dr Cali Baashe Cumar Rooraare Guddoomiyaha Ururka Al-Islaax ayaa sheegay in Hogaamiyaha cusub ee dalka Masar uu laayay dadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa Hogaamiyaha kaliya ee ka qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha dalka Masar, iyadoo dadkii kala ee madasha joogay ay ahaayeen wakiilo Dowladaha qaar ay soo dirsadeen.

Sequence-16.Still005 (1)
Idale News  Online, Muqdisho. Nagala Soo Xariir Email. Idalenewsonline@gmail.com