Dhageyso: Ugaas Xasan” Dowladda KGS Waxey Soo Dhaweyneysa Maamulka Gal-Mudug”

0
269

Baydhabo(INO)-Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Soo Dhoweeyay Madaxweynaha cusub ee  Maamul Goboleedka Galmudug C/kariim  Xuseen Guuleed Oo  Lagu doortey Degmada Cadaado Ee Gobolka Gal-gaduud.

ugaas xasan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Ee Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya,Mudane Ugaas Xasan Cabdi  Maxamed ayaa sheegay in aay hiil iyo hooba la garab taagan yahiin Maamulka Cusub ee Galmudug  State oo ka kooban Gobolada Gal-gaduud iyo Mudug.

Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan doorashada ka dhacday  Degmadda Cadaado ee C/kariim Xuseen Guuleed loogu doortay madaxweynaha maamulka Mudug Iyo Galgaduud ee Galmudug.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in Dowladda KGS ay soo dhoweynayso maamul kasta oo hab dastuuri ah ku yimaada, isagoo intaas raaciyay in dhismaha maamullada uu ka qeyb-qaadanayo dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag Kula Jirto Dowladda Soomaaliya Iyo AMISOM.

Ugaas Xasan ayaa Sidoo kale  hambalyo iyo bogaaadin u diraay Madaxweynaha Cusub ee maamulka galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed asaga oo kula dar daarmay in aay sii wadaan wada tashiga iyo Geeda Socodka Nabadda Goboladda Dhexe ee Soomaaliya, si looga  wada qiib qaato Hiigsiga Soomaaliya Ee 2016.

Sidoo kale, Wasiirka wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Galmudug guusha aay gaareen ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.

Ugu dambyntii Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqnaysa Dowladd Goboleedkii ugu horeeysay ee soo dhoweeyso Madaxweynaha Gal-Mudug State C/kariim Xuseen Guuleed oo Maanta ku gulestay in u noqdo Madaxweynaha maamulkaasi.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here