Dhageyso: Tarsan oo talo amniga Muqdisho wax badan ka taraaya u jeediyey xukuumada cusub ee la dhisaayo iyo Madaxtooyada dalka

0
178
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/Tarsan.mp3|autostart=yes]

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta si kulul u dhaliilay Madaxda Dowlada ee isku koobay in ay dagaan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Hoteelada Qaaliga ah ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaaan sheegay Magaalada Muqdisho inteeda badan in ay amaan tahay loona baahan yahay Wasiirada ,Xildhibaanada iyo Madaxda kale ee Dowlada in ee Degaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si ay dhiiro galin ugu noqdaan shacabka .

”Madaxweynaha Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa in Wasiirada lasoo Magacaabayo uu nin kastaa weydiiyo Degmada uu dagayo , waayo mana anfacayo Wasiir aan madaxtooyada soo dhaafin ama dagan meel aan ka fogeyn madaxtooyada , waxaa la rabaa in Degmo kastaa ay madaxda dagaan oo maraan si magaalada amaankeeda loogu dhiirado” ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Wuxuu sheegay Tarzan Wasiirada lasoo wado tiradoodu inay tahay 25 Wasiir iyo 25 ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa layaab ku tilmaamay in Madxada Dowlada ay 150$ ku jiiftaan hal habeen Hoteelo aan u qalmin in lacagtaasi lagu jiifto cunto iyo jiif fiicana aan laheyn.

”War marka aad Hoteel ku bixinaysaan 150$ maad guri magaalada ka dagtid ood dhisatid , maxaa Madaxda Dowlada u diidan in Degmooyinka Gobolka Banaadir ay dagaan marka ay isku koobayaan Hoteelo qaali ah iyo Guryo aan Madaxtooyada ka fogeyn” ayuu si kulul u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

tarsan

Idale News Online, Mogadishu