Dhageyso Taliyaha Daraawiishta KGS “Kuwa Baneesanaya Dhiiga Shacabka Waa Wax La Tira Koobi Karo”

0
238

Marka(INO)- Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Cali Axmed Waafow oo wareysi siyey Waraahinta ayaa ka hadlay arimo badan oo ka taagan Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Janaraalka ayaa ugu horeyn dowlada DFS  iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ku eedeeyey in ay qeyb ka yihiin waxa ka taagan Shabeellaha hoose gaara ahaan Marka, oo maalin walba Maleeshiyo waji cusub wata loosoo direyayo.

Wuxuu uu sheegay in Degmada Marka waxa ka taagan lagu mar marsiyoodo Shabaab, wuxuu taas ku tilmaamay mid lagu baneysanayo dhiiga Shacabka, qaar la beneysanayo hantidooda iyo qaar la barakicnayo ayuu carabaabay in Marka ay ka jiraan.

“Degmadaas Shabaab Ma joogto, ee waxaa jooga dad ka Kalluumeysta Umada Soomaaliyeed ee deegaanka ah, weli waxaad moodaa waxyaabihii Soomaali ay soo martay 25-kii sano ee lasoo dhaafay cadaadbtii lagu jirey cadaab ka mid ah inay weli ku dambeysa Marka” ayuu yiri Cabdulaahi Waafow.

“Dowlad Wax loo tilmaamayo oo la leeyahay sidaas iyo saas ayaa wax looga gudbaa ma joogto dalka Ajnabi kama ahan, Dadka la dhibaateenayo iyo kuwa wax dhibaayo waa Soomaali, labdooda dowlada ayaa mas’uul ka ah, nimanka dadka dulmaayo oo Islaamka dhiigooda baneysanaya waa wax la yaqaan oo la tiri koobi karo waa wax dowlada laf ahaanteeda ay soo dirsati, umada inay ka qabato iyadaa laga rabaa ee maahan mid loo sheegaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

“Koonfur galbeed inay wax ka horiyaan maahane wax ay meesha khilaafaad ay ka baabi’in karaan ama heshiis ay keeni kraan midna ma jirto, mar walba dhibaatada jirta iyo faraha dhiiga lagula jiro inay naf ahaantooda lug ku leeyihiin ayaan dareemaynaa, dad usoo tafaxeetay inay umada dhibaateeyaan iyagoo teytal dowladeed sheeganaayo, koonfur galbeed wax ay ka gali karto haba yaraatee malahan, wax ka weyn ayaa meesha yaalla oo dowladii weyneyd ay indhaha ka daawaneyso” ayuu yiri Gen. Waafow.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here