Xalay fiidkii ayaa kooxo ku hubeysnaa Bustoolado waxa ay Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkenley ku dileen Nin la sheegay in Gurigiisa uu horfadhiyay,waxana ka hadlay oo faah faahin ka bixiyay taliska Booliiska degmadaas.
Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Dharkenley ayaa sheegay in Ninka xiliga la dilayay uu fadhiyay Gurigiisa hortiisa ,isla markaana ay la jirtay Haweeney kadib markii uu dilka dhacayna ay xoogga shoog qaaday sida uu hadalka u dhigay.
Dad Goobjoogayaal ahaa xiligas ayaa sidoo kale wax ay Warbaahinta u sheegeen in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay durbaba ay Goobta ka baxsadeen.
Taliska Booliiska Dharkenley aya Ninkaasi waxa uu ku sheegay in uu ahaa qof Shacab ah balse Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayeen in ninkaasi uu horay uga tirsanaa Ciidamada dowladda laakin uu wahore ka baxay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Tliyaha Booliska Dharkenleey.