Baydhabo(INO)-Taliye ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq Caracase ayaa amaro ku soo rugey Ciidamo badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hub la dhex wareega Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Taliyaha ayaa sheegey in aan loo baahneyn isla markaana aysan u dulqaadaneynin Askari dadka dhexdooda hubka la dhex wareego isla markaan waxa uu amaro ku siyey inay sida u dhaqsiyaha badan ay ugu soo xaroobaan Xerooyinkooda.
Mudooyinka dambe waxa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay lagu arkayey ciidamo badan oo dhex wareega magaalada isla markaana iska fadhiista meelaha dad weynaha ayJoogaan kuwaaso ka muuqtey Habacsanaan badan.
Ugu dambeyntiim Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta ayaa arintan waxa uu ku sheegey in ay ugu gul leeyiihin Sugida amaanka iyo ka feejinaan Falal lidi ku ah Amaanka Magaalada isla markaana uu intaa raacey in dhawaan si toos ah loo howgalinaayo Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Idale News Online, Baydhabo