Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Waxa Shir Jaraa’id ku qabtey suldaanka Guud ee Beesha Shangamaas, Toore iyo weliba Tododo toll Ee Tunni, suldaan Xaydar suldaan suufi Suldan Munye Dheere.
Suldaanku waxa uu aad u faraxey, qabashada degmada baraawe, Ee Gobolka shebellaha Hoose taasi oo ah degmada uu ka soo jeedo isla markaana u uu yahay shacabka ku nool suldaankooda Guud.
Suldaan xaydar, isagoo hadlaayo ayaa waxa uu yiri ” Anigoo ah Suldanka Guud Ee Beesha Tunni, suldaan xaydar suldaan suufi suldaan munye dheere waxa maanta si farxad ah ugu hadlahaya, qabashada degmadeyda, degmada aan mas’uulka ka ahay shacabka meeshaasi ku nool iyo nawaaxigeeda, aad ayaan ugu farxay qabsashada degmada Baraawe, taasi mid la mid ah waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka baraawe iyo Waxa kale Mahad celin u dirayaa ciidamada dowlada soomaaliya iyo AMISON” Ayuu yiri suldaanku.
Sidoo kale Suldaan Xaydar isagoo hadalkiisa sii wato, ayaa waxa yiri markale ” “Waxaan ka codsanayaa, Madaxda sare Ee dowlada soomaaliya , in la sugo amaanka degmada baraawe Aan shacabka lacabsi galin oona la dhowro, hantidooda khaasatan abaan duuliyaha ciidanka xoogag dalka soomaaliyeed aya ka codsanayaa iyo madaxda AMSION oo hada Ku sugan “
Dhan kale Suldan Xaydar, ayaa waxa uu bixiyey dignii waxa uu yiri ” Waxaan ka digayaa in aysan dhici tii degmooyin ka Afgooye iyo Qoryooley ay ka dhacdey, shacabkana waxaan u dirayaa inay ayaguna ay is dajiyaan, dowladuna ay soo dhaweeyeen, ayna ku soo dhaweeyaan gacamo furan iyo Hambalyo”
Si kastata ha ahaatee, dhawaan ayey a ahayd ka dib markii ciidamada dowlada soomaaliya oo ay welinayaan ciidmada AMSION Ay la wareegeen, degmada Baraawe ee Gobolka shabellaha hoose.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.