Dhageyso: Shirka Qorshaha Qaranka Ee Furmey Baydhabo Oo Galey Maalintii Labaad

0
219

Baydhabo(INO)- Cabdi Naasir Cabdi wasiirka qorsheynta  Koofur Galbeed ayaa ka hadlay shirar looga hadlayo hanaanka ay ku shaqeynayaan maamul goboleedyada oo ka dhacayo magaalada Baydhabo.

Shirka maanta ka dhacayo magaalada Baydhabo ayuu sheegay wasiirka in maamulkooda uu kusoo bandhigi doono baahiyaha ay qabaan si wax loogu qabto shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed.

C/Naasir Cabdi, ayaa sidoo kale sheegay in shirka diirada lagu saari doono seddexda sano ee soo socoto qaabka ay ku wada shaqeyn doonaan maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo maalmahaan ka socday magaalada Baydhabo ayaa looga hadlay waxyaabo badan, waxaase maanta diirada lagu saarayaa sida maamul goboleedyada u wada shaqeyn karaan seddexda sano ee soo socoto.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here