Dhageyso: Shirka Gollaha Wasiirada Soomaaliya Ee Maanta

0
182

Shirka Golaha Wasiirada ee Maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana looga hadlay Hindisaha Xakameynta Hubka sharci darrada ah, Tayeenta Waxbarashada dalka iyo qodobo kale. 
Afahayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli oo Kulanka Golaha Wasiirada ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa Faahfaahin ka bixiyay Waxyaabihii loogu Kulanka. 

Halkan ka Dhageyso

 

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/21529.MP3|autostarts=yes]


Sidoo kale golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta si weyn uga doodey Hindise-sharciyeedka Xakeynta Hubka, kaa oo ay Wasaaradda Amniga Qaranka soo gudbisay, marka la eeggo muhiimadda Sharcigaasi, ayeey golaha Wasiiradu siiyeen waqti dheeraad ah oo ay uga doodaan, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa xusay in dadaal ku aaddan sidii Daryeel Caafmaad oo dibedda ah loogu qaadi lahaa Ilmo yar oo Soomaaliyeed oo iyaga oo isku dheggan ku dhashay ay qorsheynayaan, islamarkaana ay socdaan dadaal arrintaasi ku saabsan, kaddib markii uu tilmaamay in mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo tan Haweenka ay arrintaasi dadaal badan ka geysteen.

wasiiro43

 

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo Janaay.