Dhageyso Shir Jaraa’id oo Beelaha Digil & Mirifle digniin ugu direen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo R/wasare Saacid

0
205

Shir jaraa’id oo ay isugu yimaadeen Malaaqyada Digil iyo Mirifle ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saarey digniin dowlada Federaalka loogu jeediyey oo ku aadan iney ku tumatey nidaamka awoodqeybsiga dalka iyo in la kala fadhilay beelaha Soomaaliyeed ee dalka wada tagan, waxay ku taliyeen in aan Somaliya aan dadka Beelaha Digil iyo Mirifle la soo xusuusin sadbuursiga baahsanaa ee dadkooda kala jireen nidaamyadii hore,
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/AwoodQeybsiga.mp3″]

Baydhabo
Malaaqyada ayaa Gudoomiyaha barlamaanka iyo xildhibaanada DM ka codsadey mar kale in ay Nidaamka Awood Qeybsiga iyo Dhowrista Dastuurka Dalka ee ay wakiilka ugu yihiin beelaha digil iyo mirifle ilaaliyaan si looga fogaado cadaalad daro baahsan oo horseeda kala shaki, sadbuursi iyo nin jecelysi waxay odayaashu ku taliyeen in la dhowro nidaamka ku meel gaarka ah ee Awood Qeybsiga Saamiga beelaha Soomaaliyeed ku heshiiyeen taasoo weliba lagu soo dhisey dowlada federaalka Soomaaliya inta laga helaayo nidaam ama formula kale oo ay dadku isku aamini karaan, looga fogaado dhaqankii ku dhisnaa sadbuursiga daneysiga qarsoon xambaarsan oo xilalka sare ee dowlada koox gooni ah isa siin jiray, taasoo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed u arkaan cadaalad daro soo jireen ah oo mar dambe digil iyo mirifle aysan u dulqaadan doonin.

Idale News Online