Shir Jaraa”id oo ay ku qabteen Caasimadda soomaliya Beesha Habar-gidir ayaa waxa ay uga hadleen Jirdilkii lasheegay in lo geystay Xasan Daahir Aweys.
Halkaan ka dhageyso shirkii jaraa’id ee ay qabteen xubno ka tirsan beesha Habargidir
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/06/HALKAN-KADHAGAYSO-SHIRKII-JARAA-ID-EE-BESHA-HABAR-GIDIR.mp3]Odayaal kasoo Jeeda Beshaas ayaa ka hadlaya halkaas ka hadlay
Hoos ka akhriso Bayaanka Beesha
1- In dawlada loo sheego in wixii ay ka gaysatay garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo qaabkii ay ula dhaqmeen Ergadii Nabadeed ee la socotay Shiikh Xassan daahir ay ahayd mid aan loo dul qaadan Karin, loona baahan yahay in dawladu ay cudur daar ka bixiso.
2- In Nidaamka dawladnimo ee hada Dhisan oo meelo badan dab looga hayo aanay Beesha habar Gidir u bur burin ama uga hor imaanin Falkii lagaula kacay Ergadii Nabadeed.
3- In dawladu ay uga soo baxadan balantii ay la gashay Ergadii habar gidir eek u guulaysatay ku qan cinta Shiikh xassan daahir in uu Muqdisho yimado sidii ay ku wada heshiiyeen.
4- In guddi loo saaro sidii ay wax u dhaceen kuwaasi oo soo baara sababta Dawlada Isbadalka ku keentay , Maadaama Xilligii ay ka soo duulayeen Garoonka Diyaaradaha Cadaado uu wasiirka arrimaha Guduhu naga balan qaaday in aanay Jiri doonin Wax dhibaato ah oo ka hor imaanaya.
5- Waxaa lagu wargalinayaa Dhalinyarada, waxgaradka, Aqoonyahanada Beesha abar Gidir in ay si taxadar leh uga hadlaan marka warbaahinta la hadlayana arrimaha hada Soconaya iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara in laga hor yimaado Horumarka iyo Go’aanka dawlada balse la tusaaleeyo Dawlada Soomaaliya in ay ku kacday Fal kabaxsan arrimaha Bini aadaminimada.
Dhinaca Dawlada oo aan Xiriir la sameeynay oo aanu wax ka weeydiinay sida ay ku timid arrintaani ayay noo sheegtay , in aanay jirin wax dhibaato ah oo hada Kiiska xassan daahir ay gacanta ku hayso Hay’ada nabadsugida qaranka , islamarkaana la filayo in Shiikh xassan daahir ay dawladu kala hadasho arrimo Badan.
Qaabka Ergada loola dhaqmay oo aan wax weeydiinay ayuu sarkaal ka tirsan Xubnaha sare ee dawladu yiri’’ Ergadu waxaa ay ku adkaysanayeen in Shiikh Xassan Daahir la geyo Guriga uu leeyahay Mid kamid ah Beesha Cayr saraakiishooda Taasi oo aan macquul ka ahayn Dhinaca Dawlada , waxaase aan shaki ku jirin ayuu yiri in talaabada dawladu qaaday uu ahaa mid ka ugu wanaagsan ee lagu badbaadi Karin Shiikh Xassan daahir Aweeys islamarkaana Sumcadda dawladu ku xirnayd.
Mar aan Wax ka weeydiiyay , maxaa keenay in Balan qaad adag la siiyo Ergada Beesha habar Gidir islamarkaan aDawladu been intaa la eg u sheegto ayauu sarkaal kaasi ku jawaabay , Marna hadafka dawladu ma ahayn in Shiikh Xassan daahir oo Muqdisho imaanaya in la geeyo guri ama goob aanay dawladu waxba ka ogayn , waxaa ay balantu ahayn in Shiikh xassan dawlada lagu soo wareejiyo ayna gaynayso Goob amaan ah.
Waa maxay talaabada ay dawladu ka damacsan tahay Shiikh xassan daaahir Aweeys miyay jirtaa gacan ka baxsan dawlada oo iminka gacanta ku haysa Kiis Shiikh xassan daahir.
Maya ayuu yiri arkaal kaasi , waxaa hada su aalo weeydiinaya Hay’adda nabad sugida saraakiil ka socota , waxaana lagu qan cinayaa in uu ka soo laabto Falalkii uu horay ugu jiray ee Argagixisanimada islamarkaana waa in uu meel fagaaro ah ka cadeeyaa in uu la shaqaynayo dawlada , waxaa kale oo uu ii sheegay in xitaa ay dhici karto in arrintiisa baaritaan dheer lagu sameeyo
IdaleNews Online Mogadishu