Dhageyso: Sheekh Xasan Lugbuur” $150,000 ayaan Baydhabo Ka Helnaa Bil Weliba”

0
220

Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur ayaa ka hadley Wax yaabaha u qabsoomey Wasaaradiis tan iyo markii la  Magacaawey.

Wasiirka Oo Wareysi Siinayey TV-ga Jubbaland ayaa sheegey inay ku guuleysteen dhismaha Bank dhexe ee Magaalada Baydhabo isla markaana waxa gacan ku siisey Hay’ad SSF.

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur ayaa sheegey in $145,000 ilaa $150,000 Bil weliba ay ka helaan Canshuurta Laga Qaado oo kaliye Magaalada Baydhabo. Waxa uu xusey inay caawiyaan Xarunta Dhimirta Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Si faah faahsan uma sheegin Tirada Canshuurta Guud ee Ka  Soo gasha Gobolka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo Gobolka Shabellaha Hoose uu mid yahay  Laf dharka Dhaqaallaha KGS. isla markaana la qaado Canshuur Xad dhaaf ah kuwaasoo laga qaylo dhaamiyey dhoor jeer.

Wasiirka ayaa sheegey in wasaaradiisu ay u shaqeen 45 Shaqaalle oo Mushahaaradoodu uu bixiyo Bankiga Aduunka isla markaana waxa uu tilmaamey in midka ugu Mushahaarka yar uu qaato $ 5000 bil weliba.

waxa uu intaa ku darey in dhaqaallaha  ugu badan ay ka helaan canshuurta Gawaarida iyo  Garoomada diyaaradaha. Waxa uu rajo ka muujiyey mustaqbalka dhow in la dhiso ama dib loo dayactiro Dekaha Baraawe iyo Magaalada Marko Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa uu sheegey in Hay’ada SSF  ay ugu deeqdey Aduun dhan $1 Malyan kuwaasoo  lacagtaas uu sheegey inay u istimaalayaan dhismaha xafiisyada Wasaarada Maaliyada oo imimka la dhgax dhigey.

Ugu dambeyntii, Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dadka qaar waxay tuhunsan yihiin in aysan lahayn Hanaan Maaliyadeed oo ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Halkan Ka Dhageysiga

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo