Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ka hadley doorashada ka Aqalka hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo, isagoona u hambalyeeyey Musharaxiintii ku guuleystey Wajaga koowaad ee Doorashada Isla markaana waxa uu Musharaxiinta kula dardaarmey Ilaalinta Nabad Galiyada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana lasii xoojin doono.
Waxa uu tilmaamay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii uu u dar-dargelin lahaa howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab, isaga oo rajo ka muujiyey in waqtiga dhow ay Al-shabaab ka saaraan deegannada Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa dhanka kale sheegay inay socdaan howlaha horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed sida dib u dhiska waddooyinka iyo arrimo kale.
“Waxaa socda dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaan rabnaa inaan nimankaan ka xoreyno deegaannadeena, ciidamada Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ah ayaa howshaasi wada, sidoo kale waxaa socda dib u dhiska waddooyinka muhiimka ah ee Koonfur Galbeed, annaga waxaa inaga go’an inaan bulshadeenna wax u qabanno’ ayuu yiri Shariif Xasan.
Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al Shabaab ayaa dagaal culus wuxuu ku dhexmaray Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool oo ciidamada ay u suurageli la’dahay ilaa iminka inay qabsadaan.