Dhageyso: Shariif Xasan Oo Durba U Digey Xubno Dhaliilsan Hogaankiisa Ka Dib Culeys Soo Korey

0
189

Muqdisho(INO)- Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka hadlaayey Kullan looga Hadlaayey Siyaasada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka dhacey Baydhabo ayaa u digey u xuno dhaliilsan Siyaasadiisa iyo Maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in ay doonayaan Maamulka Koonfur Galbeed in uu noqdo Maamul xoog leh oo la tartami kara Maamulada kale, si loo gaaro guulo iyo hormaro isdaba joog ah oo shacabka Koonfur Galbeed ay ku farxaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay ka digayaan dad dano gaar ah leh oo ka talinaya dhibka iyo sidii Hoggaanka Koonfur Galbeed kursiga looga tuuri lahaa.

Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa sheegay xubno ka tirsan Maamulka in ay wadaan qorshe ay lacago uga soo uruurinayaan Ganacsatada, taasi oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Maamulka, gaar ahaan Hoggaankiisa, isagoo sheegay lacagahaasi muhiim in ay tahay in loogu gar gaaro dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo