Muqdisho(INO)Qaar ka mid ah Shacabka kunool magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sameynta ay ku yeelatay xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho .
Dadkaan waxa ay sheegeen in ay dhibaatooyin kala duwan ay la kulmeen shalay iyo Maanta oo inta badan la xiran wadooyin Muqdisho waxayna Cabasho ka muujiyeen xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay ka codsadeen in la furo wadooyinka Muqdisho.
Shalay ilaa Saakay waxaa xiran oo wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shacabka ugu baaqay in ay dulqaataan inta xiran yihiin wadooyinka Muqdisho sababo la xariira shirka urur goboleedka IGAD oo Muqdisho ka dhaci doona.
Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)