Muqdisho (INO) Musharraxa xilka madaxweynaha Soomaaliya,Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka hadlay ol olihiisa doorashada iyo arrimo kale,kaddib wareysi uu siiyay taleefishinka STN oo ku yaalla Nairobi.
Wuxuu ugu horreyn kaga hadlay wareysigan,madaxweynihii hore ee Puntland,Cabdirixmaan Faroole kulan magaalada Kampala ee xarunta Uganda ku dhexmaray musharrixiin uu ka midyahay,wuxuu sheegay shirka inuu muujinayay fursadaha ku dhexjira doorashada dalka ka dhacaysa iyo waxyaabaha kale ee ku xeeran.
Inta wuxuu ku darey war-murtiyeedka shirka ka soo baxay inuu qiray faragalin ay waddamada shisheeye ku hayaan Soomaaliya,wuxuuse tilmaamay Soomaaliya inay is dooraneyso.
Faroole, wuxuu sheegay shaqsiyadiisa inuu raadinaya Soomaaliya oo faderaal ah oo kana gudubto in meel dhexe waddanka laga maamullo,musharraxnimadiisa ayuu ku sheegay inuu ku raadinaya isbdal la arko oo dalka uu guda-gali karo.
Wuxuu ka horyimid nidaamka Faderaalka inuu caqabad ku hayay Soomaaliya oo ay wax isbadalaan.
Musharrax Faroole,wuxuu ku baaqay in la dhammeystiro xildhibaannada baarlamaanka oo dib loo soo celiyo xildhibaannada la celiyay.
Waxyaabaha diidaya in la dhiso ciidamo xooggan oo Soomaali ah ayuu ku sheegay inaysan jirin qorshe cad oo dib loogu xoojinayo ciidamada.
Dhawaan ayuu tagi doona Muqdisho,wuxuuna rajo ka muujiyay inuu guul ka gaaro doorashada madaxweynaha ee la sugayo dhawaan dalka inay ka dhacdo.
Qodobo kale ayuu uga hadlay wareysiga uu bixiyay Cabdirixmaan Faroole.