Dhageyso+ Sawiro: Ururka Arlaadi Aid Oo Qalab Caafimaad Ku Wareejiyey Gudoomiyaha Gobolka Bay

0
164

Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Gobolka Bay oo qalab caafimaad Gudaha degedda muqdisho kagala wareegay  hayada Arlaadi Aid ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Nuur Maxamed Nuunow oo ah Guddoomiyaha ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid ee dalka Mareykanka oo qalabka caafimaad juhdi weyn geliyay sidii halka lagu soo gaarsiin lahaa ayaa u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay howshan samafalka ah.

Guddomiyaha gobolka Bay C/rashiid Maxamed C/laahi oo qalabka kala wareegay   ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid oo  Nuur Maxamed Nuunow wakiil ka ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa balan qaaday in qalabka loogu adeegi doono dadkii loogu talagalay, waxaana uu baaq in direy dadka Soomaaliyeed in ay isu gurmadaan.

Xildhibaan Yacquub Maxamed Cali oo ka tirsan Barlamaanka Soomaliya, ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo howshan samafalka ah dhabarka u riday, isagoo sheegay isbitaalka magaalada Baydhabo uu baahi aad u weyn u qabay qalabkan caafimaad, maadaama isbitaalka uu yahay mid u adeega dadka ku nool gobolada Baay, Jubada Dhexe, Gedo iyo gobolka Bakool.

Qalabka caafimaad oo maanta maamulka gobolka Baay uu kula wareegay dekada weyn ee Muqdisho ayaa ah mid wax weyn ka tari doono baahida caafimaad ee ka jirto Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo hada ay maamusho hey’adda Laan qeyrta case e caalamiga ah ICRC, kaas oo u baahan in mar kasta laga war qabo si loola socda tayada adeega ee isbitaalka uu bixiyo.

Halkan Ka Daawo

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 54 70 121 545 999 9090 index

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here