Dhageyso+ Sawiro: NUSOJ Oo Codsatey In Wax Laga Qabto Xaaladiisa Caafimaad Wariye Maxamed Sheekh Oo AMISOM Gaari Ku Jiirsisay G/Sh/ Hoose

0
172

Afgooye (INO)- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Maanta si aad ah u cambaarayey Fal dhawaan Gawaarida Gaashaman Ee Ciidamada AMISOM ay u geysteen Wariye Maxamed Sheekh Aaden oo ka mid ah Wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka howlgala Radio Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhibane Wariye Maxamed Sheekh Aaden  ayaa Waxa uu ka mid ahaa dadkii dhawaan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMISOM Gawaaridoodu ay ku jiirsiyeen Duleed Magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

Cali Ilyaas C/laahi, Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka NUSOJ ayaa sheegey in NUSOJ ay Xun tahay Dhibaateynta Wariyaasha Soomaaliyeed Isla  markaana waxa tilmaamey in Xaalada Caafimaad Wariye Maxamed Sheekh Aaden ay u  baahan tahay in si deg deg ah wax laga qabto,  waxuna DFS, Beesha Caalamka, Wariyaasha Soomaaliyeed iyo  Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugu baaqay inay u gurmadaan Wariyahan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Ku Xigeenka NUSOJ