Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u digniin adag u dirtey Milkiiliyaasha Garaashley Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Hadalkan ayaa looga sheegey Kullan Balaaran oo ay isu yimaadeen Wasiiro Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka Gobolka Bay.
Xasan Xuseen Maxamed, Wasiir Wasaarada Hub ka dhigista Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kullankaas ka hadley ayaa kula dardaarmey Garaashley Degmada Baydhabo.
Wasiirka ayaa Tilmaamey inay Haboon tahay in lagu wada shaqeeyo Amaanka Guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa Sidoo kale uu Tibaaxey In dhawaan Gaari Walxaha Qarxa Lagu Soo buuxiyey uu Diley 40 qof in ka badan 60 kale uu Dhaawacey kaasoo la sheegey in lagu soo Habeeyey Mid ka mid ah Garaashyada Ku yaalla Gudaha Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo
Xafiiska Warqabadka Warbaahinta
Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com