Baydhabo(INO)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa faah-faahin Dheerad ah ka bixiyey hakad ku yimid howlgalkii ka dhanka ah dagaalka lagula jiro dhinacyada kasoo horjeeda Dowadda Koofur Galbeed Soomaaliya.
C/raxmaan Ibraahin Aadan Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in hakad uu galay howlgalkaasi sababtana ay tahay in roobab ay ka da’een Gobolada KGS iyo Arimo kale. Wuxuu sheegay roobabka oo da’ay awgeed inaysan suuragal aheyn inay sii socdaan howlgalada wadooyinka lagu furaayo ee Gobolkaasi ka socday.
Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku sugan Ururka Shabaab oo dagaal adag kula soo horjeedo DFS iyo AMISOM.
Ugu dambeyntii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa isku diyaaranaya guluf colaadeed oo ka dhan ah Shabaab, si la isugu furo wadooyinka Gobolada Baay iyo Bakool oo qaar Shabaab ay go’doomiyeen.
Halkan Ka Dhageyso Radio
Idale News Online, Baydhabo