Dhageyso R/W Saacid oo leh “Meesha laga dhahayo Maamulka KMG ah ee Juba Waxaan Jecelnahay in Goor Dhow la dhaho Dowlad Gobaleedka Jubbaland”

0
240

Ra’iisul Wasaare Saacid shirdoon oo furay shir maamulka kmg ee Jubba iyo dowladda federaalka ugu furmay Muqdisho kaasoo daba joogey heshiis ay dowlada ethiopia garwadeen ka aheyn ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool jubooyinka oo 22 sano ee la soo dhaafay ay haysteen dhibaatooyin kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mid ahaa madaxda diidanaa maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa dad badan is weydiinayaan waxa durbada bedelay aragtida Saacid shirdoon ee ku aadan maamulkaas.
Dhageyso Saacid maxuu ka yiri furitaankii shirka [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/saacidDhageyso.mp3]

shirka_juba

“Waxaan sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii Jubooyinka oo daba socda shirkii Addis-Ababa, waana shir leh muhiimad gaar ah mar hadii wax garadkii Jubooyinka ay halkaan ku dhanyihiin, waxaana rajaynayaa in shirkaan uu horseed u noqdo kalsooni dhisida maamul KMG ah ee Juba, kaas oo shaqaynaya mudo laba sano ah, hadii isfahamka dadka uu ku soo dhamaado intaas in kayar waxaa loo gudbayaa dhisida maamul gobleed ay yeeshaan dadka Jubooyinka, ka dowlad ahaan waxan diyaar u nahay inaan samayno dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa oo dadka jubooyinku ku gaari lahaayeen isfam u horseeda nabad kuwada noolaansho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaamka Federaalisamka, heshiiska ay gaaraan dadka jubooyinkana uu unoqonayo gogol dhig asaaska dhisida maamul goboleedyada dalka.

 

Idale News Online