Garowe(INO)- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Garoowe.
Wafdiga Ra’iisul Wasaraha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo xubno kale.
Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in ay u yimaadeen arrimaha ku saleysan Abaaraha iyo sidii wada tashi looga sameyn lahaa arrimaha ku saleysan Doorashooyinka Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Mr. Sharmaake ayaa sheegay in ay wada hadli doonaan Madaxweynaha Puntland oo ay aad uga wada hadlayaan Arrimaha doorashada, ka dibna ay war soo saari doonaan.