Guracel(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu baaqay Dadka Gobolada Dhexe inay qaataan Nabadda oo ay isaga yimaadaan dhinaca colaada.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Nabadda ay tahay tan kaliya ee horumar lagu gaari karo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in Ceelasha Biyaha ay jabeen, isaga oo arrintaasi darteed ugu baaqay Deeqbixiyaasha inay gurmad u fidiyaan Dadka ku barakacay Dagaalada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo mudo laabo maalin booqasho ku joogay Dhuusamareeb ayaa shalay galinkii dambe dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Guracel